Soomaaliyeey toosoo

From Wikisource
Jump to navigation Jump to search

"Soomaaliyeey toosoo" ("Somalis, Wake Up") was the national anthem of Somalia from 2000 until August 2012.


Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taagdaranee
Taageera waligiinee

Idinkaysu tookhaayoo
Idinkaysu taamaayee
Aadamuhu tacliin barayoo
Waddankiisa taamyeeloo

Sharcigaa isku kiin tolayoo
Luuqadaa tuwaaxid ahoo
Arligiina taaka ahoo
Kuma kala tegeysaan oo

Tiro ari ah oo dhaxalaa
Sideed laydin soo tubayoo
Ninba toban la meel marayoo
Cadowgiin idiin talin oo

Tuldo geel ah oo dhacan baad
Toogasho u badheedhanee
Ma dhulkaas dhanee tegeybaan
Ninna dhagax u tuurayn

Qaran aan hubkuu tumayo
Tooreyda dhaafayn
Oo aan taar samayn karin
Uur kutaallo weynaa

Hadba waxaan la taahaayoo
Togagga uga qaylshaa
Nin dalkiisii cadow taaboo
U tol waayey baan ahayee

Hadba waxaan laa ooyaayoo
Oo ilmadu iiga qubaneysaa
Iqtiyaar nin loo diidoo
La addoon sadaan ahayee